2610 Views

Dowlada Ruush-ka oo Soomaaliya ka taageereysa dagaalka Al-Shabaab.

Dowlada Ruush-ka oo Soomaaliya ka taageereysa dagaalka Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Xukuumadda Moscow waxaa ay qorsheeyneeysaa in ay Soomaaliya ka caawiso Dadaaladda ka dhanka ah argagixisadda iyo xagjirnimadda” sidaaas waxaa yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov Talaadadii mar uu lakulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ay Shir bar-bar socday Shirka Golaha Guud ee QM Ku yeesheen Magaalada New York.

“Waxaan ku faraxsanahay fursadaan aan kukulanay shir barbar socda kan QM si aan uga doodno Xiriirka Labadda Dhinac, Waxaan ka mahadnaqeeynaa Taariiqdeena Saxiibtinimo  waxaana Soomaaliya ka caawin doonaa Dadaaladeeda ay ku xalineeyso dhibaatadda argagixisadda iyo xagjirnimadda” ayuu yiri Sergey Lavrov, sida lagu Daabacay Wakaaladda Wararka Ruushka.

Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka ayaa waxaa uu sheegay in Xasiloonidda Soomaaliya laga hadlay sidoo kale ay Diiradda Saareen sidii ay Soomaaliya u sii wadi laheyd Dadaaaladda Nabadeeynta ee ay Bulshadda Caalamku la garabtaagantahay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu Lavrov kala haday adkeeynta Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Russia kaasi oo leh Xiriir taariiqi ah.

Arrimo kale oo la xiriira Maal gashiga ayeey kawda Hadleen Masuulinta Somaaliya iyo Russia ee kukulmay Magaaladda New York.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment