2148 Views

Dowlada Soomaaliya Oo La Sheegay In Lacago Farabadan Lagu Leeyahay

Dowlada Soomaaliya Oo La Sheegay In Lacago Farabadan Lagu Leeyahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  – Qoraal lagu daababay bogga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana soo baxday xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagaga hadlay illaa Afar dal oo lagu leeyahay lacag oo ay ku jirto Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu soo xigtay qodobka 19-aad oo dhigaya in dalalka lagu yeesho lacagta qaaraanka ah ee xubinimada dalka, muddo laba sannadood ah, inuu dalkaasi waayi kari karo xaqqii uu u lahaa inuu codeeyo, haddii dalkaasi aanu la imaan sabab macquula oo keentay inuu lacagta iska bixin kari waayo, isla markaana Golaha Sare uu ku qanco.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu arkay waraaqdan, hase ahaatee aanu hubin inay sax tahay iyo inkale.

Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Soomaaliya lagu leeyahay lacagihii qaaraanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.

Wuxuu kaloo sheegay Danjire Abuukar Cusmaan Baalle inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment