2169 Views

Gudoonka Baralamaanka Soomaaliya Oo Digniin U Diray xildhibaanada aada safarada aanan laga war heyn

Gudoonka Baralamaanka Soomaaliya Oo Digniin U Diray  xildhibaanada aada safarada aanan laga war heyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xildhibaanada Baarlamaanka uga digay inay aadaan safarada aysan ka war qabin Guddoonka uu ka tirsan yahay.

Wuxuu sheegay safarada badan ee xildhibaanada in ay dhibaato ku keentay kulamada Baarlamaanka ee caadiga ah, maadaama uu sheegay mararka qaar in ay safaro ku maqan yihiin in ka badan boqol xildhibaan.

Jawaari ayaa xildhibaanada ka dalbaday marka ay shaqo Dibadda ah u soo baxdo in ay maraan Guddoonka ay ka tirsan yihiin, si looga warqabo oo shaqada Baarlamaanka aysan dhibaato ku noqon.

“Xildhibaan bixi karo ma jiro isaga oo aanan Guddoonka uu ka tirsan yahay ka fasax qaadan, ha yiraahdo howshaas ayaan u socdaa, si looga warqabo, hada boqol iyo xoogaa ayaa maqan, oo aanan ka warqabin annaga.” Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye (Jawaari) ayaa xildhibaanda xusuusiyay shaqadooda, wuxuuna tilmaamay in ay ka turjumayaan shacabka oo ay saaran tahay masuuliyad, sidaasi awgeedna aanan loo baahneyn in ay danahooda gaarka ah fiirsadaan.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Baarlamaanka ee maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment