2607 Views

Maamulka Galmudug Oo Beeniyey Hadal Dhawaan Lahadal Hayey

Maamulka Galmudug Oo Beeniyey Hadal Dhawaan Lahadal Hayey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Maamulka Galmudug ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada, taasi oo ku saabsaneyd in ay taageertay go’aanka xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug C/raxmaan Jaamac Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay warqadaasi in aysan laheyn sal iyo raad midna, Galmudug warqadaha ka soo baxana ay yihiin kuwo ku soo baxa sifo sharci ah.

“Warar been abur ah oo dhowaan lagu faafiyay baraha Facebooka iyo Website-yada, taasi oo aan ka turjumeyn aragtida Galmudug, waxaan si cad u beenineynaa warqadii lagu qoray Facebooka in aysan aheyn mid ay wax ka ogyihiin Galmudug.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaa taageeray go’aankii xulufada Sacuudiga, mamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeeyay oo sheegay in uu taageersan yahay Sacuudiga, kana soo horjeedaan Qadar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment