2622 Views

Maamulka G/Banaadir Oo ka hadlay dilalka ka dhaca Muqdisho

Maamulka G/Banaadir  Oo ka hadlay dilalka ka dhaca Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kaasi oo la qabto maalin kasta oo Arbaco ah.

Kulanka oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Saraakiisha Ciidamada iyo xubno kale.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan dambe faraha ka baxay, Nadaafadda, Canshuurta iyo halka ay mareyso shaqaaleysiinta dhalinyarada gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isla gartay amniga in uu noqdo ahmiyadda koowaad, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka maalmahan dambe in Muqdisho ay ku soo bateen dilalka, si taasi looga hortago ayuu sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe faraha ka baxay, Magaalada gudaheedana waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo beegsiga lagu hayo masuuliyiinta Maamulka Gobolka.

Maanta ayaa ugu dambeysay Muqdisho waxaa lagu dilay nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Shiine, oo ahaa sarkaal ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo qarax gaarigiisa loogu xiray uu kula qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Maana-boolyo, dhanka degmada Boondheere.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment