2880 Views

Maxaa Loga Hadli Doonaa Kulanka Golaha Shacabaka Oo Maanta Ka Dhacayo Muqdisho ?

Maxaa Loga Hadli Doonaa Kulanka Golaha Shacabaka Oo Maanta Ka Dhacayo Muqdisho ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta oo Arbaco ah Waxa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ah Akhrinta koobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta koobaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka ee BJFS.

Heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa maanta ka doodi doono Xildhibaanada sidoo kalena ku dari doono talooyinka ay qabaan.

Dooda ka dib ayaa Xildhibaanada waxaa lagu wadaa iney go’aan ka gaaraan oo ay cod u qaadaan Heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya oo ay Xukuumada soo gudbisay.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaan ka hor aqrin doonta Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo lagu wado in maanta la marsiiyo aqrinta koowaad.

Sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee BJFS Hindise Sharciyeedyada ay soo gudbiso Xukuumada waxaa aqrinta koowaad mariyay oo Xildhibaanada Golaha shacabka u aqriya Wasiirka ay khuseyso Hindise sharciyeedkaasi ka dibna waxa lagu wareejiyaa oo ka soo shaqeeya Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan ka shaqeynta Hindise sharciyeedkaasi iyo Guddiga wada shaqeynta ay ka dhaxeyso Wasaaradda soo gudbisay.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybin doonaa Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka BJFS.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment