2979 Views

Qarx Gari Oo Ka Dhacay Muqdisho

Qarx Gari Oo Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Qarax Gaari ayaa waxa uu ka dhacay saakay abaare Todobadii Subaxnimo iyo daqiiqado Isgoyska Maana-boolyo, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Masjidka Khaliif Yabarow, dhanka degmada Boondheere.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Shiine, kaasi oo sida dadka degaanka ay sheegeen ka tirsanaa shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo Meyd ahaan goobta uga qaaday ninka Qaraxa lala beegsaday, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

Maamulka degmada Boondheere oo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen Qaraxa in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Marxuumka dhintay, markii uu marayayna Agagaarka isgoyska Maana-boolyo uu sidaasi kula qarxay.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan Qaraxan in ay ku dhaawacmeen ilaa laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo xilligii qaraxa ka akdhowaa goobta.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment