2289 Views

Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan

Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo horey xilkan u soo qabtay.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali C/laahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday, waxaana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhowaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiraanland.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynhihii kalsoonida lagala noqday ayaa wareegtadii ugu horeysay ee uu soo saaro ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan, xilkana ugaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26-kii bishii October 2016.

Hoggaamiyaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Waare ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Beledweyne si uu u helo taageerada shacabka ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment