2523 Views

Imaaraadka Iyo Midowga AfrikaOo Ka Arinsaday Dagaal Ka Dhanah Al – Shabaab

Imaaraadka Iyo Midowga AfrikaOo Ka Arinsaday  Dagaal Ka Dhanah Al – Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 21, 2017  –Maxamed Axmed Othman Al Hammadi oo ah Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika AMISOM, Francisco Caetano Madeira ayaa ka wada hadlay xiriirka wadashaqeyneed ee u dhaxeeya UAE iyo Midowga Afrika, marka lagu daro habka lagu taageerayo ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii lagu jiray kulanka, oo lagu qabtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, ayaa Wakiilka Gaarka ah wuxuu ka mahadceliyay mahadnaqa iyo ixtiraamka Imaatinka Imaaraadka oo kaalin weyn ku leh taageerada amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyada oo loo marayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Wuxuu kaloo sheegay Francisco Caetano Madeira Imaaraadka in mashaariic horumarineed iyo mid bina-aadamnimoo uu ka fuliyay gobollo kala duwan, oo dalka ka tirsan.

Ambassador Al Hammadi ayaa ka mahadceliyey Wakiilka Gaarka ah ee ah in uu xoojiyo xiriirka iskaashiga u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka iyo Hawlgalka Soomaaliya, iyo sidoo kale iskaashiga Midowga Afrika iyo UAE guud ahaan taageeridda dadaallada ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dhinacydan ayaa isku afka gartay in la kordhiyo dhaqaalaha ku baxa Howlgalka AMISOM, si loo soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee lagula jiro ururka Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment