3357 Views

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Oo Gaaray Baladweyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Oo Gaaray Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 21, 201—Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib safar uu saakay kaga soo ambabaxay magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana si weyn Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne waxa uu la kulmi doonaa Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo wada shaqeynta maamulka cusub.
Socdaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago magaalada Beledweyne, maalmo kaddib markii lagu doortay magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka qaar oo lagu arkayo Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo ku jira feejignaan dheeri ah.

16-kii bishan ayaa Maxamed Cabdi Waare waxaa lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kadib Doorasho adag oo uu la galay Sideed Musharax, waxaana 27-ka bishan la filayaa in lagu caleemo saaro Jowhar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment