2640 Views

Maamulka Gobalka Banadir Oo Sheegay In Ay Wax Ka Qaban Doonaan Wadooyinka ay Fariistaan Biyaha

Maamulka Gobalka Banadir Oo Sheegay In Ay Wax Ka Qaban Doonaan Wadooyinka ay Fariistaan Biyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2017 — Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maareynta maamulka Gobolka Banaadir Maluuka C/qaadir Dheere ayaa sheegtay degmooyinka qaar in ay soo gudbiyeen cabashooyin ku aadan in wax laga qabto wadooyinka ay biyaha fariistaan xilliyada Roobka.

Waxay sheegtay Guddoomiye Maluuka in dadaalo badan ay geliyeen bilooyinkii ugu dambeeyay wadooyinka biyaha ay fariistaan sidii wax looga qaban lahaa oo deg deg biyaha looga qaadi lahaa.

Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu yahay sidii loo dayactiri lahaa bulaacadaha  waa weyn ee ku yaalla hareeraha wadooyinka, kuwo cusubna loo dhisi lahaa.
Maluuka C/qaadir Dheere Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maareynta maamulka Gobolka Banaadir oo maanta marti ku aheyd Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ayaa tilmaamtay in mar walba ay kaalinta koowaad siiyaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen cabashada shacabka.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo nawaaxigeeda ka Da’ay Roob ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Roobka ayaa biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sidoo kale Wadooyinka qaar waxaa ka muuqda burbur xoogan oo uu u geystay Roobka, Baabuurta xitaa wadooyinka si dhib badan ayay ku isticmaalayaan.

Roobkan oo ah midkii Deyrta ayaa shalay duhurkii ka bilawday gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoona Roobku xalay si rasmi ah uga curtay gobolada Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Beeraleyda ayaa bilaabaya tacabka beeraha fasalka Deyrta halka xoola dhaqatada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysan doonaan daaqa cawska, maadaama Jiilaal daran uu waayahan ka jiray dalka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment