2517 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay go’aanka maamulkiisa ee xiisadda Khaliijka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay go’aanka maamulkiisa ee xiisadda Khaliijka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2017 — Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xiisadda ka taagan Wadamada Khaliijka taas oo saameysay Siyaadda gudaha ee Soomaaliya kadib markii maamul Gobaleedyada qaateen go’aano ka soo horjeeda kii Dowladda dhexe ka qaadatay Arimaha Carabta.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay “go’aanka dhex dhexaadka ah oo ay qaadatay Soomaaliya waa in uu ahaadaa mid labada dhinac u siman ee uusan noqon mid dhinac ay dan ugu jirto dhinaca kalane uu gubayo” ayuu yiri waare.

“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhawro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

“Waxaa lagu heshiiyay dastuur weli qabyo ah,dastuurkana waxa uu qeexayaa masuuliyada ay leedahay dowlada dhexe,waxa kale oo uu qeexayaa awoodaha ay leeyihiin Maamul Goboleedyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Hadalka ka soo baxay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa dhabar jab ku noqonayo wadamada khaliijka oo la aaminsan yahay in ay lacag badan ku siiyeen Madaxweynihii kan ka horeeyay ee Cali C/llaahi Cosoble sidii uu taageeri lahaa Isbaheysiga Sacuudiga.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment