4149 Views

RW ku xigeenka dalka oo booqday Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer

RW ku xigeenka dalka oo booqday Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 25, 201— Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casriyaysan Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

aa aaa qq sss www

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | New York

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment