2934 Views

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 – War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladda Federaalka ka digeyso in xaalada dadka iyo dalka ay u turaan xalkanuna ku jiro wada hadal.

WARSAFAADADEEDKA:

1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.
2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.
4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

 

.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment