4566 Views

Xildhibaanada Galmudug ayaa Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaaday

Xildhibaanada Galmudug ayaa Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaaday
____________________________________________________________________________

Cadaado | QOL | September 26, 2017 – Xildhibaano Katirsan Galmudug oo Caawa Xilka ka Qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaannada sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Xaaf ayaan fadhigooda isaga dhax doorta guddoon madaama guddoomiyihii baarlamaanka uu sheegay in uu xabsi guri ku yahay madaxtooyada Cadaado.

Axmed Yuusuf Ciyow oo si KMG ah u Shir Gudoominayay kulanka Xildhibaanada ayaa Sheegay in 52 Xildhibaan ay Kalsoonida Kala Laabteen Madaxweyne Xaaf hal Xildhibaana uu Diiday Labana ay ka Aamuseen

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xilka Madaxweynaha Galmudug uu Si KMG u Sii heyn Doono Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi

Si lamida is qabqab sigaan ayay Baarlamaanka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed Xilka uga qadeen taasoo keentay in markii danbe Guuleed iscasilo..

Dhinaca kale Madaxweyne Xaaf ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyey .

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment