2457 Views

Baarlamaanka Uganda Oo Gacmaha isula Tagay

Baarlamaanka Uganda Oo Gacmaha isula Tagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 —Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa gacanta isula tagay kaddib markii XIldhibaannada ay isku khilaafeed dood la xiriirta in Dastuurka laga saaro da’da Madaxweynaha ka xadideysa in uu xilka sii hayo.

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni,ayaa XIldhibaannada taageersan ku wargeliyay in ay Baarlamaanka geeyaan dood la xiriirta in dastuurka laga saaro da’da Madaxweynaha ka xaddideysa xil heynta dalka.

Dastuurka Uganda ayaa qoraya in qof kasta oo ka weyn da’da 75 jir uusan madaxweyne ka noqon karin Dalka Uganda taas oo Yoweri Museveni ka reebeysa in uu u tartamo doorashada 2021 oo uu shaaciyay in uu diyaar u yahay in uu xilka siihayo.

Yoweri Museveni, Da’diisu hadda waa 71 jir,waxaana 2021 uu noqonayaa 75 jir taas oo ka reebeysa in uu madaxweyne noqdo,waxaana kaddib uu ku fekaray in ay dastuurka beddelo.

Xildhibaannada Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ayaa feer isla dhacay gudaha Xarunta Baarlamaanka iyada oo qaarkoodna isku garaacay  Kuraasta Baarlamaanka taallay.

19 qof oo uu ka mid yahay Kizza Besigye oo ahaa hoggaamiyaha Mucaaridka ah ee dalka Uganda ayaa xabsiga la dhigay,waxaana laga qabtay banaanka hoolka Baarlamaanka oo ay banaanbax ka dhigayeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment