2553 Views

Madaxweyne Xaaf Oo Khadacay Xilkaqaadis Lagu Sameeyey

Madaxweyne Xaaf Oo Khadacay Xilkaqaadis Lagu  Sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 —Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku kulmay Magaalada Cadaado shalay waxay sheegeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay oo Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in 55-Xildhibaan ay ku sameeyeen Xil ka qaadistaasi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka jawaabaye arrintaani ayaa sheegay in aysan jirin wax xil ka qaadis ah oo ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qaarkood, waxana uuna ku eedeeyey Xasaradaha Galmudug Dowladda federaalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in aysan Xilka ka qaadi karin Xildhibaanadii sheegay in ay xil ka qaadista ay ku sameeyeen, Dowladda ayuu ugu baaqay in faraha kala baxdo arrimaha Siyaasadeed ee ka jira Deegaanada Galmudug.

Dastuurka Galmudug ayuu sheegay in uu dhigayo in Madaxweynaha Xilka laga qaadi karo kolka uu xilka hayo Lex bilood in ka badan, Xafiiska Madaxweynaha ayuu sheegay in uu hayo afar bilood iyo Bar sidaa awgeedne ay tahay arrin Foodo ah sida uu sheegay.

Mooshinkaan ayuu sheegay Dabeel Socoto oo lamid ah Mooshinkii BaarlamaankaHir-Shabeelle ay Xilka kaga qaadeen Cali Cabdullahi Cosoble, waxa uuna intaa kusii daray in Dowladda ay Xubno faragaliya Galmudug ay qorsheysay in ay u dirto Magaalada Cadaado.

Dowladda federaalka ayuu ku tilmaamay in ay dooneyso in Xilka Madaxweynaha Galmudug ay dooneyso in ay u dhiibto qof ay wadato sida uu sheegay.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa Dowladda federaalka ku eedeeyey in ay abaabuleyso Xasarado ka dhan ah Maamulkaasi taniyo Markii uu taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ee xiriirka u jaray Dowladda Qatar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment