2001 Views

Musharrixii G.Wakiillada Somaliland OoKu Geeriyooday Hindiya

Musharrixii G.Wakiillada Somaliland OoKu Geeriyooday Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 —C/Raxmaan Maxamed Talyanlle oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada Maamulka SOmaliland islamarkaana 6dii August u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa ku geeriyooday Dalka Hindiya.

C/Raxmaan Maxamed Talyanlle ayaa ku xanuunsanayay maalmihii la soo dhaafay Dalka Hindiya halkaas oo uu ku jiray Isbitaal,waxaana uu u geeriyooday Xanuunka hayay.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayuu natiijadiisii diiday Talyanlle kaddib markii uu sheegay in isaga uu guuleystay laakiin ay guddiga doorashada natiijada oo hal cod lagu kala badiyay dhinaca kale u rideen.

Muran dheer  kaddib Talyanlle ayaa sheegay in isaga oo guuleystay uu xilkaas uga tanasulay musharraxa kula tartamayay oo ah guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ee Hadda Baashe Maxamed Faarax.

Talyanlle oo ka soo jeeda Ceerigaabo ayaa waxaa uu hadda ka mid aha Xildhibaannada xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Maamulka Somaliland ku matalaya Wakiillada Somaliland.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment