2946 Views

Sawiro:- Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay AMISOM

Sawiro:- Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Ciidanka Mareykanka Afrika ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti ayaa ku dhawaad 20 Gaadiidka dagaalka ah ku wareejiyay Ciidamada Uganda ee ka midka ah howlgalka AMISOM.

Gaadiidkan ayaa lagu sheegay in loogu talagalay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab sidoo kalena sare loogu qaadayo tayada Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya,gaar ahaan kuwa u dhashay Dalka Uganda.

Kayanja Muhanga. oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka uga mahad celiyay yabooha Gaadiidka dagaalka iyo Labo Kunteenar oo ay Ciidanka sahayda ku qaataan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ka socda Uganda ay 40% howlgalka AMISOM iyaga hayaan,taas oo uu sheegay in baahidoodana ay ka badan tahay Ciidamada kale ee ka mid ka ah AMISOM.

Gen. Miguel A. Castellanos; oo ku hadlayay magaca Ciidamada Mareykanka ee Gaadiidka dagaal ku wareejiyay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in ay Mareykanka ka go’antahay xasilinta Soomaaliya sidoo kalena uu taageero la garab taaganyahay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Gaadiid lagu wareejiyay AMISOM Gaadiid lagu wareejiyay AMISOM Gaadiid lagu wareejiyay AMISOM

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment