2586 Views

Sawiro:- Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii mideynta canshuuraha dalka

Sawiro:- Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii mideynta canshuuraha dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale.

Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

hirkaan ayaa waxaa  soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo  sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland.

x1 x2 x3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment