3249 Views

Sawiro:- Xuska sanad guurada 68-aad ee aas aaska Jamhuuriyadda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho

Sawiro:- Xuska sanad guurada 68-aad ee aas aaska Jamhuuriyadda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Xuska Sanad Guurada 68aad ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Ku-simaha   Madaxweeynaha  ahna Guddoomiyaha  Golaha Shacabka  Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Dalka  ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamad Guuleed Khaddar,  xubno ka tirsan labada gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Wasiiro, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa meesha  ka hadlay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya  Mr Chin Lin  waxaa uu sheegay inay waxbadan ka qabteen xariirka Soomaaliya  iyo Shiinaha sida  u gurmashada dadkii ay abaarahu saameeyeen  oo  ay ku bixyeen  lacago  iyo fulinta mashaariic horumarineed, ayna diyaar u yihin inay sii wadayaan hirgelinta mashaariic kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa sheegay  in xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ahaan mid aad ugu  wanaagsan ka hor burburkii  dalka,  ayna  doorween ku lahaayeen  fulinta mashaariic horumarineed oo laga fuliyay Dalka, Isagoo si gaar ah uga codsaday  in  Madaxweeynaha Shiinaha uu gaarsiiyo  in Soomaaliya ay markasta diyaar u tahay  inay  ka  faa’iidaysato  fursadaha  horumarineed   ee Shiinaha ka fulinayaan dalka  iyo   xoojinta xariirkii soo jireenka ahaa ee  labada dalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ku-simaha Madaxweynaha Dalka  ayaa ugu hambalyeeyay   Dalka Shiinaha sanad guuradii  68aad ee ka soo wareegatay markii  la aasaasay Jamhuuriyadda  Shiinaha.

Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xariir soo jireen ah, aydoo lagu xasuusto dawladda Shiinaha  dhismaha  Golaha Murtida iyo Madadaallada (National Theater) Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Mogadishu iyo mashaariic kale  balse waxii ka danbeeyay buburkii dawladii dhexe Soomaaliya 1990  ayaa waxaa meesha ka baxay mashaariicdaasi, waxaase hada muuqda ifaafaalo  ku aadan  soo noolaynta  xariirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay labada dal.

b22 bb4 bb6  bb8bb33

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment