1965 Views

Weerar goordhow ka dhacay Muqdisho

Weerar goordhow ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Koox hubeysan oo watay Gaariga Spacio ah ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen labo qof oo marayay Waddada Via Roma ee Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga la weeraray oo ahaa Surf ayaa waxaa la socday wadaha oo Rag ah iyo Haweeney, waxaana halkaas ku geeriyooday wadihii gaariga iyada oo haweeneydana uu soo gaaray dhaawac.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in wiilka la dilay ay dhashay Batuulo Axmed Gabballe oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, kaas oo lagu magacaabo Axmed Jaamac, halka Gabadha dhaawaca ahna lagu sheegay Canab Cabdullahi oo ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka.

Dadka degaanka ayaa dhaawaca ka qaaday goobta waxaana ay geeyeen Isbitaal, iyada oo kaddibna ciidamo ka tirsan dowladd ay goobta tageen.

Ciidamada ayaa baaritaan ka wada agagaarka goobta uu weerarka ka dhacay,waxaana sidoo kale halkaas isaga baxsaday kooxda weerarka geysatay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment