2292 Views

Xildhibaano dhawr ah oo gaaray Cadaado

Xildhibaano dhawr ah oo gaaray Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.

Xildhibaannadana ayaa ah kuwa laga soo doortay degaannada Galmdug,waxaana ay u tageen Cadaado xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira Magaaladaas una dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhinac ah, Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo dhinaca kale ah.

Arrintaas waxaa ay dhalisay in uu hakad galo kulamada Baarlamaanka Galmudug iyada oo xalay XIldhibaanno iska soo horjeeda Cadaado kaga dhawaaqeen go’aanno siysaadeed oo isdiiddan.

Xildhibaannada maanta tagay Cadaado waxaa ka mid ah Abshir Bukkaari oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Amxed Fiqi oo ka mid ah Golaha shacabka iyo XIldhibaanno kale oo ka soo jeeda Galmdug.

Labada Xildhibaan ayaa barahooda Twitter-ka ku qoray in ay Cadaado u tageen xal ka gaarista xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Magaalada taas oo hakad gelisay dhaq dhaqaaqii magaalada oo dhan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment