3699 Views

Sawiro:- Booliska oo soo bandhigay rag warqado digniin ah ku daadin jiray Muqdisho

Sawiro:- Booliska oo soo bandhigay rag warqado digniin ah ku daadin jiray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — Taliska Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Amniga ayaa si wadajir ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska (General Kaahiye) ee Magaalada Muqdisho ugu soo bandhigay Saddex nin iyo qalabka wax lagu daabaco.

Goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka socday kulanka Todobaadlaha ee Ciidamada Booliska oo Khamiis kasta la qabto, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo saraakiil Boolis ah.

Waxyaabaha Saraakiisha Ciidamada Booliska ay soo bandhigeen waxaa ka mid ahaa Warqado been abuur ah oo ku aadan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Warqadaha digniinta ah ee Shabaab ee magaalada lagu daadiyo.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha Booliska raggan Madbacadda ay warqadaha ku qori jireen in ay ku taallo degmada Dharkeynley, taasi oo lagu magacaabo INNA FATAX.

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Booliska uga mahadceliyay howlgalka lagu soo qabtay raggan, maadaama ay qal qal gelinayeen ammaanka Muqidsho.

Ragga maanta la soo bandhigay oo ahaa Saddex dhalinyaro ah ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ka dhex muuqday Maxamed Nuur oo shacabka Muqdisho ay u garanayaan (Idaacadda Wareegta).

Idaacadda Wareegta ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho waxa ay ku yaqaanaan in uu iska dhigo codadka siyaasiyiinta iyo in Gawaarida BL-ka ah oo uu ka iibsado warqado uu ugu qorayo Telefoonadooda, si lacagta dadweynaha gaariga raacaya ay ugu tuuraan.

Ninkan ayaa Booliska waxa ay ku eedeeyeen inuu Warqadaha ku daadin jiray Magaalada gudaheeda, sidoo kalena ragga kale madbacadda ay ku qori jireen warqadaha.

12 13 16 18 19 20 21

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment