2613 Views

Sucuudiga oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiska ciidanka

Sucuudiga oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiska ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Jiddah ee Sucuudiga kula kulmay Madaxda dalkaasi Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay Dhaxal sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyri.

Kulanka labada dhinac ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah xiriirka labada dal,iskaashiga,kaalmada Sucuudiga ee Soomaaliya,la dagaallanka argagixisada,in Sucuudiga uu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha Ciidamada iyo in Sucuudiga ka fuliyo Soomaaliya mashaariic kala duwan oo horumarineed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa  beeniyay in ajendaha kulanka labada dhinac uu ka mid ahaa xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa xulufada Sucuudiga iyo Dowladda Qadar.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment