4371 Views

Sawiro Hordhac ah :-Qarax Muqdisho Galabta Ka Dhacay

Sawiro Hordhac ah :-Qarax Muqdisho Galabta Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne, gaar ahaan Barxadada Bacadlaha, halkaasi oo ah meel aad u mashquul badan.

Qaraxan oo ilaa hada aanay Hay’adaha ammaanka ka bixin in uu ahaa Ismiidaamin iyo in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goobta lagu soo diyaariyay, iyada oo jugta qaraxa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, oo isugu jiray kuwo ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa nuuciisa uu ahaa PREMIO, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo qaraxa kadib goobta soo gaaray, kadib hadal kooban oo uu siiyay warbaabinta.

Wuxuu kaloo sheegay C/fataax Cumar Xalane in qaraxan ay ku geeryoodeen ilaa 7 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 qof, inkastoo dad goob joogayal oo aan la hadalnay ay inoo sheegeen khasaaraha in intaasi uu ka badan yahay.

Khasaaraha ugu badan ee qaraxan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaari BL-ah, kuwaasi oo isugu jiray Haween iyo Rag oo ay u badnaayeen gabdho aad u da’yar.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay tiro Bajaajyo ah oo goobta ku gubtay, kuwaasi oo yaallay goob kaalin shidaal ah oo aanan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

6666 9999 44444 77777 333333 555588 888888 22222111

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment