2571 Views

Wasiirad Kenyan ah oo u dhimatay dhaawac ay u geysteen Al-Shabab

Wasiirad Kenyan ah oo u dhimatay dhaawac ay u geysteen Al-Shabab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — Isbitaal ku yaalla Dalka Koofur Afrika waxaa ku dhimatay Mariam El Maawy  oo ahayd Xog-hayaha Wasiiradda  adeegga Bulshada Dalka Kenya.

Mariam El Maawy,waxaa ay bishii july ku dhaawacantay degaanka Lamu halkaas oo ay ku weerareen Al-shabaab gaari ay la socotay,waxaa sidoo kale halkaas weerarkaas ku dhintay Wiil Tababare Duuliye ahaa oo ay Habaryar u ahayd laguna magacaabayay Cariif Qaasim.

Mariam El Maawy ,waxaa ay u geeriyootay saddex bilood kaddib dhaawac ka soo gaaray qoorta oo ah halka ugu badan ee ay rasaasta ka haleeshay.

Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed iyo xildhibaanno badan oo ka tirsan Dalka Kenya ayaa Twitter-ka aad uga tacsiyeeyay geerida Mariam El Maawy.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment