2892 Views

Xildhibaano tegay Cadaado oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka Galmudug

Xildhibaano tegay Cadaado oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 —  War-murtiyeed ka kooban Saddex bog ayaa laga soo saaray khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee maamulka Galmudug, kadib wada hadal shalay ilaa maanta u socday xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo Cadaado gaaray iyo Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxa ay war-murtiyeedka ay soo saareen ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ogolaaday khilaafka in lagu dhameeyo wada hadal, balse Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenka labaad ay diideen.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in masuuliyiin sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo dad u adeegaya si qaawan ay faragelin ugu sameeyeen duminta maamulka Galmudug.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xukuumadda Soomaaliya looga digayo in ay fara gelin ku sameeyaan Galmudug, islamarkaana aysan soo saarin waraaqo ka turjumaya xaqiiqada jirta.

Khilaafka Galmudug

v22222

v333333333

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment