2463 Views

Xukuumada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Khilaafka siyaasadeed Ee kala Dhaxeeya D/Goboleedyada

Xukuumada Soomaaliya Oo Ka Hadashay  Khilaafka siyaasadeed  Ee kala Dhaxeeya D/Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax saameyn ah aysan ku laheyn khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedyada qaarkood gaar ahaan mida maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada ay mararka qaar u gacan dhaafaan arrimaha Dibadda oo ay u madax banaan tahay Dowladda.

Wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya in aysan xad gudub ku sameyn Dastuurka waxa uu qabo, laakiin dhowaan sharciga iyo shacabka ay ku kala bixi doonaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

“Een Dastuurka ma aanan jabin, hadii la keeno cadeyn markaas anagaa qaladka iska leh, waxa laga wada hadlayo ayaa ah maxaa la isku hayaa yaase is heysta, waxaa is haya, Madaxweyne Dowlad goboleed inta baxa ee booqda caasimad kale uu dhaho mowqifka Dowladda Soomaaliya waan ka soo horjeedaa.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Dhanka kale Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Sacuudiga ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo Madaxweynaha uu la qaatay Madaxda dalkaas, wuxuuna sheegay in kulamada xoogga lagu saaray iskaashiga labada dal.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment