2925 Views

AMISOM oo ka hadashay qarxii Muqdisho ka dhacay

AMISOM oo ka hadashay qarxii Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

uqdiaho | QOL | September 29, 2017 – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Caetano Madeira ayaa marka hore wuxuu cambaareeyay weerarkii qaraxa gaari loo adeegsaday ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Barxadda Bacadlaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Francisco ayaa Al-shabaab ku eedeeyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay gaari ay ku soo rareen maadooyinka qarxa in ay la beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku howlanaayeen nolosha maalinlaha ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha weerarkan aan macquulka ahayn, Waa nasiib darro in Al-Shabaab ay sii wadaan in ay dilaan oo ay lumiyaan dadka ay sheeganayaan inay difaacayaan.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku ammaanay shaqada weyn ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale balan qaaday inay sii laba jibaarayaan taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka oo Dagaal kula jirta Al-shabaab.

Qaraxan oo ay ku dhinteen 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 kale ayaa waxa uu ku soo beegmaya, xilli Arbacadii Isgoyska Via Roma ee Degmada Xamar Weyne lagu dilay laba qof, oo midi ay ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment