2769 Views

RW Kheyre oo arin muhiim ah ka dhawaajiyey

RW Kheyre oo arin muhiim ah ka dhawaajiyey
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 29, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Soomaaliya in la aaminsan yahay in ay bilowday bog cusub, aduunyadana ay u soo jeesatay in ay Soomaaliya ka taageeraan dhan walba.

Wuxuu sheegay dunida Soomaaliya in ay u aragto in ay heysato rajo weyn, maadaama uu sheegay Soomaaliya in ay ka qeyb gashay shirar waa weyn oo caalami ah, kuwaasi oo diirada lagu saarayay sida dalalka dhibaateysan loo hormarin lahaa gaar ahaan Soomaaliya.

“Shirkii aan tagnay waxaa ka muuqatay aduunyada indhaha ay ku arki jireen Soomaaliya indha aanay aheyn in lagu arko, in la aamisan yahay Soomaaliya in ay bilowday bog cusub, Soomaaliya waxaa laaaminsan yahay in uu yahay dal horay u socda.” Ayuu yiri R.wasaare Khayre.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre xalay dalka dib ugu soo laabtay kadib shirka loo dhan yahay ee Golaha QM oo uu uga soo qeyb galay Mareykanka ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment