3294 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 29, 2017 – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

General Maxamed Axmed Jimcaale Geedi Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Baker, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro Ciidamada.

Dowladda Turkiga ayaa dhismaha Saldhigan waxa ay ku bixisay Qarash dhan 50 Million oo Dollar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkii hore.

Saldhigan Dhexdiisa waxaa laga dhex furay Saddex Dugsi oo nooca ciidanka lagu tababaro ah, taasi oo Ciidamada Soomaalida u saamixi doonta inay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.

Saldhigan oo ah mid casri ah oo aad u weyn ayaa loo qorsheeyay in lagu tababaro 1,500 oo Ciidamo Soomaali ah, waxaana Tababarka bixin doona Saraakiil u dhalatay dalka Turkiga, kuwaasi oo ciidamada Soomaalida ka caawin doona sidii ay u noqon lahaayeen ciidan hela tababar wanaagsan oo tayadiisa ay tahay mid sare.

Dowladda Turkiga oo saaxiib la’ah Soomaaliya ayaa waxa ay Dowladda Soomaalida ka caawisaa taageerada tooska ah ee dhanka Qarashka, taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arrimaha Bulshada intaba.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment