3198 Views

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Bariire

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Bariire
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 29, 2017 – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii safka ballaarnaa ee saakay aroortii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare badan.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaankaasi, waxaana xigay Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo weerar toos ahaa ku qaaday saldhiga.

Al-Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray laba xero oo Ciidamada Dowladda ay kaga kala sugnaayen Bariga iyo Galbeedka Bariire, Waxaana intii uu socday dagaalka la maqlay qaraxyo waa weyn, Qaraxyadan laba ka mida waxay ka dhasheen baabuur Madooyinka qarxa laga soo buuxiyay.
Degaanka Bariire oo Webiga Shabeelle uu dhexmaro ayaa waxaa dhanka Galbeedka ka deganaa ciidan caddaan ah, halka Ciidamada Dowladda ay iyaguna deganaayeen xero ku taala dhinaca Bariga, Ciidamadii caddaanka, ayaa maalintii Arbacada isaga guuray Bariire, iyagoona xeradii ay ka jooggeen ku wareejiyay Ciidamada Dowladda.

Shabaabka ayaa la wareegay labada xero ee ay weerareen mudo kooban, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Dowladda Soomaaliya, waxayna Ciidamada xeryahaasi ugu taggeen saanad hub ah iyo dhawr ka mida gaadiidka dagaalka.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Hoobiyeyaal ku soo rideen saldhigga ciidamada dawladda ee Laanta Buuro, iyaga oo isku dayaya inay ka hor istaagaan in gurmad uu u tago ciidamada Barire.

Warar madax banana ayaa sheegay weerarkan in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, oo u badan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka degaanka.

Degaanka Bariire ee dagaalka uu ka dhacay ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.

Dadka Odorosa arrimaha ammaanka ayaa waxa ay sheegayaan weerarada Shabaabka ee soo ku soo batay Muqdisho iyo gobolada dalka in ay sabab tahay isdhigasho ka jirta dhinacyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment