3129 Views

Cimi Baaris :-Gaari Horleh Oo Lafilayo In Uu Dunida Ku Sookordho !!!!!!

Cimi Baaris :-Gaari Horleh Oo Lafilayo In Uu Dunida Ku Sookordho !!!!!!
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 30, 2017 – Cilmibaarayaal u dhashay dalka Japan ayaa ku howlan sidii ay u soo saari lahaayeen baabuur laga sameeyay alwaax ama looxaan adag kuwaasoo bedeli kara gaadiidka biraha ka sameysan dhowaan.

Qorshahan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu yareeyo culeyska gaadiidka gaar ahaan gaadiidka qiiqa ka baxa hawada waxyeeleeya.

Hase yeeshee waxaa isweydiin mudan halkee laga keenayaa alwaaxda ama looxaanta laga sameynayo baabuurta maadaama hore looga dhistey maraakiibta,guryaha iyo qalab kalaba.

Cilmibaarayaasha Jaamacada Kyoto ee dalka Japan ayaa aaminsan qalabka laga sameeyo dhir si gaar ah uga baxda dalka Japan ay u adkeysi badan tahay sida  birta oo kale isla markaana ka fududahay birta boqolkiiba sideetan.

Baabuurta caalamka laga soo saaro ayaa sanadba sanadka ka dambeeya biraha laga sameeyo waxa ay noqonayeen kuwo la sii qafiifiyo,waxaana laga dareemi karaa baabuurba baabuurka uu ka dambeeyo inuu ka culeys yaryahay oo gaadiidkii hore ay ahaayeen kuwo biro adag laga sameeyay.

Balse qorshahan cusub ee alwaaxda baabuurta laga sameynayo ayaa u muuqda mid suurtogal ah maadaama gaadiidka hadda la soo saaro ay yihiin kuwo aad u jilicsan waxaana dhici kartaa in alwaaxda ay ka adkeysi badnaan karaan.

H1 H2 H3  HHHHHKKK

.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment