2844 Views

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Gubay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Gubay Dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 30, 2017 – Muwaadin Soomaaliyeed ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dhex gubay goob ganacsi oo uu ku lahaa duleedka magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Danjire Jamaal Barrow ayaa sheegay kooxo Burcad South African ah in shaqsigaasi ay ku dhex gubeen goobtiisa ganacsi oo ku taala magaalada Pretoria.

Iaa hadda magaca qofka la gubay lama sheegin, iyo Da’diisa inta ay la egtahay, maadaama weli ay socdaan baaritaanada la xiriira falkan, Booliskana ay ku daba jiraan raggii weerarka geystay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi oo arrntan aad uga dhiidhiyay ayaa ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre in ay wax ka qabtaan dilalka iyo dhaca lagu haayo.

Soomaalida ku sugan gudaha Dalka South Afrika oo tiro ahaan lagu sheegay in ay yihiin ku dhowaad Konton Kun oo Qof ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo u nugul dhibaatooyinka ka soo gaara Dalka South Afrika.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga Dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment