4530 Views

Jen. laba Afle Oo ka Badbaaday Qarax Miino Oo Ka Dhacay KM13

Jen. laba Afle Oo ka Badbaaday Qarax Miino Oo Ka Dhacay KM13
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–  Maamulka Degaanka Garasbaaley ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in uu isku day dil ka badbaaday Janan lagu magacaabo Aadan Abshir Nuur (Labo Afle) oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Kolonyo uu la socday ayaa waxaa Qarax lagula beegsaday degaanka KM13 ee Duleedka Muqdisho,halkaas oo ay dhaawacyo ka soo gaareen Ilaalada Taliyaha la socday kolonyada.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya sidoo kalena ay baaritaan ka wadaan degaanka uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Gawaarida Taliyaha uu Qaraxa qabsaday ayna dhaawacyo fudfudu Gacmaha iyo wajiga ka gaareen qaar ka mid ah ilaalada Taliyaha.

Guddoomiye xigeenku waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay Qarax,sidoo kale waxaa uu ku daray in aysan jirin Dad shacab ah oo Qaraxaas wax ku noqday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment