3330 Views

Sawiro:-Uqaabilsanaha Qm Soomaaliya Oo Gaaray Magalada Baydhabo

Sawiro:-Uqaabilsanaha Qm Soomaaliya Oo Gaaray Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed.

Tagistiisa kadib wuxuu halkaasi kula kulmay ku simaha Madaxweynaha maamulka ahna Wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyaga oo ka wada hadlay xaaladaha ka jira degaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Mickeal Keating ayaa kormeer ku tagay saldhig tababar oo Dowladda Ingiriiska magaalada Baydhabo ka furtay, halkaasi oo lagu tababarayo Ciidamada Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa qeybta ka ah 18-ka kun ee dalka loo dhisayo.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa kulanka kadib sheegay in ka Koonfur Galbeed ahaan ay u mahadcelinayaan Dowladda Ingiriiska, oo uu sheegay in Koonfur Galbeed ay si gaar ah uga taageerto dib u dhiska Ciidamada.

Ugu dambeyntii Keating ayaa booqday ceelal riigag ah oo Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ka qodeen Hay’adaha Qaramada Mdoobey, kuwaasi oo loogu tala galay shacabka Koonfur Galbeed in ay isticmaalaan, wuxuuna ku soo laabtay Muqdisho.

 

x1 x2 x3 x4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment