3267 Views

Al-Shabab Oo Soo Bandhigay Magaca Ninka Isku qarxiyay Saldhigga Bariirre

Al-Shabab Oo Soo Bandhigay Magaca Ninka Isku qarxiyay Saldhigga Bariirre
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017—Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay magaca Qofka fuliyay weerarkii ugu horreeyay ee Jimcihii lagu qaaday Saldhi Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Ibraahim Cabdullahi Macallimow oo ka soo jeeda Beesha Gaaljecel uu fuliyay weerarkii ka dhacay bariirre Jimcihii la soo dhaafay.

Macallimow oo weerarka inta uusan geysan ka hor cod laga duubay ay siideysay Idaacadda Afka Al-shabaab ku hadasha ee Andalus ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay qorshahiisa ismiidaaminta ah.

Weerarka Jimcihii ka dhacay bariirre waxaa ku geeriyooday dad ka badan 20 Qof oo u badnaa dhinacyada halkaas ku dagaallamay iyada oo Al-shabaab ay sheegeen in ay 23 Askari oo ka mid ah Ciidamada dowladda ku dileen weerarkaas.

dhinaca Saraakiisha dowladda waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dhinteen 12 Askari oo iyaga ka tirsan sidoo kalena ay ku dileen 18 ka mid ah Ciidamada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Bariirre.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in Ninkan isqarxiyay uu ku jiray da’da 20aad ka hor inta uusan ku biirin qeybta isqarxisa ee Al-shabaabna uu ka tirsanaa qeybta loo yaqaanno Fursaanta ee Al-shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment