2658 Views

Dibad Bax Xoogan Oo Laga Dhigay Magalada Gaalkacyo

Dibad Bax Xoogan Oo Laga Dhigay Magalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017—Magaalada Gaalkacyo  ayaa maanta dhigay Banaanbax ay ku codsanayeen in laga qaado kala go’naanta Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada ayaa u kala qeybsan labo maamul oo Galmudug iyo Puntland kala ah,waxaana ay Ardeyda sheegayeen in ay doonayaan in Magaalada la isu furo.

Gaalkacyo waxaa ay kala xirantay markii uu billowday dagaalka sokeeye waxaana saameyn taban ku yeeshay colaadaha iyada oo maamullada Galmudug iyo Puntland ay halkooda ka sii wadeen kala xirnaanshaha.

Sanadkii la soo dhaafay Puntland ayaa ammar duldhigtay Ganacsatada iyo Dadka isaga kala goosha labada dhinac,waxaana ay amartay in Gaariga ka baxa Koofurta Gaalkacyo uusan tagi karin Waqooyiga,waxaana ay amartay in Rarka laga dejiyo laguna wareejiyo Gaari kale oo u ku diyaarsan halka kala qeybsia magaalada.

Labada Maamul ayaa dhawaan sameeyay Ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeeya amaanka Gaalkacyo iyo degaannada u dhow,inkasta oo aanay u howlgalin sidii la rabay,waxaana mararka qaar dhaca dilal qabaa’ilka isu geystaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment