4866 Views

Gaas oo Beeniyay In Itoobiya Saami ku Leedahay Dekadda Boosaaso

Gaas oo Beeniyay In Itoobiya Saami ku Leedahay Dekadda Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017—Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa beeniyay in Dowladda Itoobiya ay saami ku leedahay Dekadda Magaalada Boosaaso ee dhawaan lagu wareejinayo Sharikadda DPWorld.

Gaas,waxaa uu sheegay in dad dacaayad raqiis ah ka faafiyay horumarinta Dekadda Boosaaso ay warqaas suuqa geliyeen islamarkaana aysan jirin sheegashooyinka soo baxay.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in Dowladda Itoobiya ay 20% ku leedahay adeegsiga Dekadda Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha iyo Ganacsatada oo walaac ka muujiyay DPWorld uu ku qanciyay in Dekadda horumarin lagu sameynayo islamarkaana ay Sharikaddaasi la wareegeyso qandaraasta maamulka Dekadda Boosaaso.

Dowladda Itoobiya waxaa ay saami dhan 19% ku leedahay Dekadda Magaalada Berbera oo ay maamulkeeda la wareegtay 30-ka Sano ee soo socota.

Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa heshiisyo kula galeysa Maamul Goboleedyada Soomaaliya Dekadaha iyo Garoomada Diyaaraha ee ay maamulaan,waxaana ilaa hadda ay heshiis la gaartay Somaliland oo ay ka heshay garoonka Diyaaradeed iyo Dekad,sidoo kale Boosaaso ayaa heshiiskeeda la dhameeyay waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo,waxaase ku xigta Dekadda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ay kala heshiisay Maamulka Koofur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment