2487 Views

Kooxo Hubaysan Oo Weeraray Hotel Kuyaal Marykanaka

Kooxo Hubaysan Oo Weeraray Hotel Kuyaal Marykanaka
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017—Koox Hubeysan ayaa toogasho ka wada Hotel ku yaalla Las Vegas Dalka Mareykanka,ilaa hadda tiro dhaawacyo ah ayaa la geeyay Isbitaallada Magaalada.

Ilaa hadda waxaa la helay Meydka 2; Qof,waxaana dhaawac ah,24 kale oo ka mid ahaa dadka ku jiray Hotelka,Booliska ayaa ku jira Howlgalka iyaga oo xiray Hareeraha Hotelka.

Hotelka la weeraray waxaa lagu magaacaabaa  Mandalay Bay Hotel,waxaa ay dad ka cararaya rasaasta warbaahinta u sheegayaan in rasaasta ka socota dabaqa 32aad ee dhismaha oo aah u dheer.

Booliska ayaa isku gedaamay Hotelka,waxaana la arkayaa dad badan oo ka baxsanaya Hotelka si ay naftooda u badbaadsadaan.

Xilliga weerarka waxaa qeybta Caweyska ee Hotelka ka socday Bandhig Faneed ay ka qeyb galayeen daawadaayaal badan,waxaana Booliska ay ku howllanyihiin howlgalka.

Majir ilaa hadda cid ka hadashay oo dhinaca dowladda Mareykanka ah,waxaana soo baxaya in laga baqayo in weerarku yahay mid argagixiso.

La soco wixii ka soo kordha:

V2 V3 C

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment