5574 Views

Maxaa ku soo kordhawy weerarkii ka dhacay Las Vegas: ee dalka Marykanaka

Maxaa ku soo kordhawy weerarkii ka dhacay Las Vegas: ee dalka Marykanaka
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017 — Ugu yaraan 50 Qof ayaa ku dhimatay iyada oo ay ku dhaawacmeen Labo Boqol kale kadidb markii Rag hubeysan ay galeen Hotel ku yaalla Las Vegas Mareykanka.

Booliska waxaa ay xaqiijiyeen dhimashad 50 Qof iyo dhaawac 200 kale,waxaa sidoo kale ay xaqiijiyeen in ay toogteen Mid ka mid ah Ragga weerarka geystay.

Sidoo kale Booliska waxaa ay sheegeen in ay ku raad joogaan kuwo kale oo la tuhunsanyahay in ay ku luglahaayeen weerarkaas.

Booliska ayaa sheegay in Qofka ay toogteen uu ka mid yahay dadka degaanka,waxaana ay ka gaabsadeen magaciisa,iyada oo sheegay in ay baaritaan ku hayaan.

Boqolaal qof ayaa isaga baxsaday dhimaha oo ay ka socotay Caweys Heeso,iyada oo dhismaha 32aad uu ka billowday Weerarka halkaas oo ay Booliska sheegeen in uu ka soo dhacay qof ay tumayaan inuu ka mid ahaa dableyda weerarka geysatay.

Dowladda Mareykanka wali si rasmi ah ugama hadlin weerarkan oo wali qeyb ahaan socda inkasta oo Booliska ay sheegeen in ay la wareegeen dhismaha ayna ku raadjoogaan weerarayaasha qaar oo dhismaha ku dhexmaqan.

Laamaha Caafimaadka waxaa ay sheegayaan in 14 ka mid ah dhaawacyada ay ku jiraan xaalad adag,islamarkaana ay la tacaalayaan wax u qabashadooda.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment