4713 Views

Xajka Oo Loo Sameeyay Dalladda Ugu weyn Caalamka

Xajka Oo Loo Sameeyay Dalladda Ugu weyn Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017—Dowladda Sucuudiga ayaa dhameystirtay Dalladda ugu weyn Caalamka oo qorshuhu yahay in Xujeyda harsadaan Sanadka soo socda iyo sanadaha xigaba.

Dowladda Sucuudiga ayaa sameysay Dalladan oo ay ugu talagashay in Xujeyda iyo Dadka Cumreysanaya ay ka galaan Qorraxda xilliga kuleelaha.

Jen. Muhammad Al-Ahmadi,oo ay taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacbada ayaa sheegay in Mashruucan uu waqti dheer socday islamarkaana lagu guuleystay in la soo gaba gabeeyo.

Waxaa uu la hadlayay TV-ga Al Carabiya,waxaana uu sheegay in 10 ka Sano ee soo socota Xajka uu ku beegmi doono xilli kuleyl ah sidaas darteedna laga billaabo Sanadka soo socda ay Xujeyda gudan doonaan waajibka iyaga oo aan kuleyl la kulmeyn.

Dalladda ayaa maalmahan aad loogu hadalhayay baraha bulshada waxaana muuqaalka dalladda uu yahay sidan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment