2718 Views

Jabuuti oo warqad lagu soo xirayo u jartay ganacsade caan ka ah Dalkaas

Jabuuti oo warqad lagu soo xirayo u jartay ganacsade caan ka ah Dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 03, 2017 — Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Ganacsade lagu magacaabo Axmed Cismaan Geelle,kaas oo uu fadhigiisu yahay magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Djiboutitimes, ayaa qortay in uu jiro  khilaaf u dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo Ganacsadaha,kaas oo markii hore doonayay in uu Dubai ka baxo islamarkaana tago dalka Jabuuti.

Lataliyayaashiisa ayaa ku wargeliyay in haddii uu Jabuuti tago Xabsiga la dhigayo,waxaana ay taas sababtay in uu safarkiisii u beddelo dhinaca Magaalada Hargeysa,halkaas oo uu hadda ku suganyhay.

Dowladda Jabuuti iyo Ganacsadahan ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in ay la xiriirto mashaariic dowladda ay dooneysay in ay faa’ido ka sameyso oo uu isaga qaatay inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Axmed Cismaan Geelle oo hadda ku sugan Hargeysa ayaa Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo jabuuti waxaa ku howllan dhex dhexaadintiisa Odayaasha Hargeysa oo doonaya in khilaafka Ganacsadaha iyo dowladda Jabuuti hoos loo dhigo.

.

Isha: Djiboutitimes.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment