2538 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalka Suudaan

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017 — Madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in ay booqasho ku tagaan Dalka Suudaan.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee tagaya Suudaan waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda,XIldhibaanno,mas’uuliyiin kale iyo sidoo kale xubno ka mid ah Golaha Murtida iyo Madaddaalada Qaranka.

Magaalada Khartuum waxaa todobaadkan gudahiisa ka furmaya Shirka Amniga,Nabadda,xasiloonida,iskaashiga iyo Horumarinta Waddamada Geeska Afrika waxaana madaxda ka qeybgelaysa ka mid ah madaxweyne Farmaajo.

Mahmoud Kan,oo ah madaxa Xafiiska Nabadda Midowga Afrika ee Khartuum ayaa sheegay in madaxda waddamada Geeska Afrika ay shirkan uga qeybgeli doonaan Magaalada Khartuum.

Shirkan oo uu qaban qaabiyay Midowga AFrika  sidoo kalena iska kaashanayaan Dowladda Suudaan iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaa uu dhici doonaa 8-10ka Bishan October.

Shirkan waxaa furi doona Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed,waxaana shir guddoomin doona Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Thabo Mbeki..

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeybgeli doona qubari saaxiib la ah Midowga Afrika waxaana xoogga lagu saari doonaa xasilinta,nabadeynta iyo horumarinta Geeska Afrika,waxaana uu billow u yahay shirar xiriir ah oo arrimahan la xiriira.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment