5565 Views

Sucuudiga oo dowladda Soomaaliya siiyay $50 Milyan oo doollar

Sucuudiga oo dowladda Soomaaliya siiyay $50 Milyan oo doollar
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 03, 2017 — Dowladda Sucuudiga ayaa lacag gaareysa $50milyan oo doollarka Mareykanka ah ku wareejisay DOlwadda Soomaaliya.

Ra’islawasaarahaa Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga ay Soomaaliya ugu deeqday lacag $50milyan ah oo uu sheegay in dowladda ay u adeegsan doonto kabidda miisaaniyadda dowladda gaar ahaan Bixinta mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah,Askarta iyo raashinka askartaba.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay DOlwadda Sucuudiga uga mahadcelisay kaalmada lacageed ee uu Ra’isalwasaare Kheyre sheegay in ay ku beegantay waqti loogu baahi badnaa.

Ra’islawasaaruhu waxaa kale oo uu sheegay in dowladda Sucuudiga oo uu Soomaaliya kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah in ay garowsatay in Soomaaliya ay siiso taageere maaliyadeed.

Xasan Cali Kheyre waxaa uu sheegay in lacagahaas wax ka tari doonaan soo celinta amniga iyo in dowladda Soomaaliya sii laba jibaarto waajibaadka qaran ee horyaalla.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment