2067 Views

Daacish oo sheegatay weeraro ka dhacay Boosaaso

Daacish oo sheegatay weeraro ka dhacay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaas oo lagu dhaawacay Taliye ku xigeenka Saldhigga Boosaaso sidoo kalena lagu dilay Qof shacab ah.

Cabdi Raxmaan Barre Saalax,oo ah Taliye ku xigeenka Saldhigga Boosaaso iyo Askari ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay weerarkaas,waxaana ku dhintay Qof shacab ah.

Weerarka ayaa ka dhacay Saldhigga Afar Irdoodka ee Boosaaso,waxaana goobta ka baxsaday dableyda geysatay weerarkaas oo sida ay sheegatay Daacish iyaga taabacsan.

Puntland waxaa ay Buuraleyda Galgala kula dagaallantaa Al-shabaab iyo Daacish oo xubno taabacsani ka howlgalaan Gobolka Bari.

Saraakiisha Puntland wali kama hadlin weerarkan iyo sheegashada Daacish,waxaana Magaalaada Boosaaso la socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment