2433 Views

Dagmada Xudur oo laga Joojiyey diyaaradah Qaadka geeya

Dagmada Xudur oo laga Joojiyey diyaaradah Qaadka geeya
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Maamulka Gobolka Bakool ayaa joojiyay Qaadkii ka dagi jiray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si maamulka ugu diyaar garoobo howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool; ayaa sheegay in Qaadkii laga joojiyay Xudur si ciidamada maamulka isugu diyaariyaan howlgal ay doonayaan in ay ka fuliyaan degaannada ay AL-shabaab ka maamulaan Gobolka Bakool.

Tool; waxaa uu sheegay in Ciidamada marka ay qaadka cunaan aysan howlgali karin sidaas darteedna ilaa amar dambe la joojiyay Qaadkii ka degi jiray Xudur.

Waxaa uu sheegay in Sharikadaha diyaaradaha Qaadka aysan iman karin Xudur tii Qaad geysana aysan ka bixi doonin Xudur,sidoo kalena la ganaaxayo $2,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Waxaa uu intaas ku daray in amarkan uu yahay mid maamul Sharikadaha iyo wakiillada diyaaradahana loo baahanyahay in ay sidiisa u dhaqan geliyaan haddii kalena ay la kulmayaan Tallaabo sharciga waafaqsan sida uu yiri.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment