3225 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u duulay dalka Suudaan

Madaxweyne Farmaajo oo u duulay dalka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaw ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde waxayna ku sii wajahan yihiin Magaalada Khartuum ee Xarunta Dalka Suudaan.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Baarlamaanka iyo Shaqaale oo ka mid ah Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxaana lagu wadaa in ay kulamo la soo qaataan Madaxda Dalkaasi Suudaan.

Xubnaha Madaxweynaha Socdaalkiisa ku wehliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle iyo Maareeyaha Tiyaatarka Muqdisho Cabdi Dhuux Yuusuf Xersi iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tago Khartuum waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madaxweyne ku xigeynka Dalkaasi, sidoo kale Wasiirada ayaa la soo kulmi doono Wasiirada Kale ee Dalkaasi Suudaan.

Afayeen u hadlay Madaxtooyada Suudaan ayaa sheegay in Labada Hogaamiye ay kulankooda Xoogga ku saari doonaan Xariirka Soo jireynka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan Taageerada Suudaan ee Soomaaliya arimo la xariira Waxbarashada Ciidamada iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyay In madaxweynaha Soomaaliya socdaalkiisa uu salka ku haayo casuumaad uu ka helay Dhigiisa Suudaan islamarkaana ay qaadan doonto Mudo Labo Maalmood ah iyagoo soo xiganayo Madaxtooyada Khartuum.

Wadanka Suudaan ayaa ka mid ah Wadamdaa Taageera Soomaaliya tan iyo bur burkii Soomaaliya, waxayna taageerada ugu badan gilisay dhinaca Waxbarashada, kumanaan Soomaali ah ayaa sanad walba ka soo qalin jibiya Jaamacada Dalka Suudaan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo maanta uga bilaabatay Suudaan ayaa ku soo beeg meyso iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya maalmo ka hor Dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii sidaan oo kale Booqasho Labo maalmood qaadatay uu ku tagay Sacuudiga.

madaxweyne-farmaajo-suudaan-3 madaxweyne-farmaajo-suudaan-2 madaxweyne-farmaajo-suudaan-1

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment