2325 Views

Kulan xasaasi ah oo ka soconaya Baydhabo

Kulan xasaasi ah oo ka soconaya Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Kulankaani oo ka furmay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay isla markaana kasii socon doona ilaa sadax Ceshe waxaa ka qeyb galaya Saraakiisha Ciidamada Amaanka Maamulka Koofur Galbeed iyo odoyaasha dhaqanka maamulkaasi.

Inta uu kulankaan socday waxay ka qeyb galayaasha wax iska weydiiyeen cidda leh mas’uuliyadda amni daro ee ka jirta Deegaanada Qaar ee Koofur Galbeed, Odoyaasha kulanka ka qeyb galay ayaa dusha ugu tuuray Saraakiisha Ciidamada Koofur Galbeed in ay leeyihiin Mas’uuliyadda amni darada.

Saraakiisha oo iska fogeynaye Eedaha odoyaasha Dhaqanka ee ah in ay ka gaabiyeen Sugidda amniga waxay iyane u tiiriyeen Madaxda Maamulka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Cabdi Aadan Barre waxa uu kamid yahay Saraakiishii Ciidamada Koofur Galbeed ee kulankaa Xaadiray, isagoo ka saraakiisha ka fogeynaye in ay leeyihiin Mas’uuliyadda ka gaabinta sugidda amniga Koofur Galbeed ayuu ku eedeeyey madaxweyne Shariif Xasan.

Sarkaalkaan oo la hadlay Qarnimo Online  ayaa sheegay in kulankaan uu sii socon doono, balse waxa uu sheegay in xaaladaha amniga ay ka go’do madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh, maadaama uu sheegayo in saraakiisha kaliya ay ku howl galaan amarada madaxda.

Shirkaan inta uu socda waxaa looga hadlayaa sidii loo sugi lahaa amaanka Deegaanada Koofur Galbeed, waxaana Gaba-gabada laga dhowrayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku qotoma waxyaabaha lagu heshiiyey inta uu kulanka socday.

Deegaanada Koofur Galbeed waxaa kusoo Noq-noqday Dagaalada lagu qaadayo Fariisimaha Ciidamada Dowladda, waxaana wehliyaha Colaad beeleedyo udhaxeyso Maleeshiyaad beeleed oo ka taagan Deegaanada Qaar.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment